Dr Gabboose oo ka hadlay xaaladda dalka iyo doorashooyinka

Hargeysa-(Berberanews)-Guddoomiyaha urur-siyaasadeedka Barwaaqo Dr Maxamdd Cabdi Gabboose, ayaa ka hadlay xaaladda dalka iyo doorashooyinka khilaafku ka taaganyahay.

“Anigu waxa aan dhawr jeer oo hore qayb ka ahaa tartanka ururada siyaasadda hadii se aan hadhay waqtigaas, waxa aan dugsaday dulqaad iyo in aan xakameeyo tabashadayda maadaama oo aan xog ogaal u ahaa dhibta ay shalay umadani soo martay iyo Daruufaha adag ee ay ku sugan yihiin, waxaan aaminsanahay in cidkasta oo leh himilo ah in ay maalin uun dalkan hogaamiso ay tahay in ay badsadaan samirka iyo isu tanaasulka si ay berri u helaan dal iyo dad nabdoon oo ay xukumaan” .