Dhallinyarteenuna way ka qaalisan yihiin wax kursi loo sadqeeyo

2009-kii ayaa madaxweynihii hore DAAHIR RAYAALE guriga baarlamanka ka xidhay mudanayaasha oo berigaa mucaaridka u badnaa.

Mudaharaad baa dhacay laba wiil baase ku dhintay. KULMIYE oo berigaa mucaarid xil u carara ahaa ayaa xus ballaadhan oo uu wiilashaa u sameeyey aad isaga oohiyey. Cabdicasiis Samaale oo berigaa ahaa Ku xigeenka baarlamanka, waxa ka mid ahaa qudbad dheer oo uu jeediyey: “weligayo illaawi mayno mujaahidiintaasi xaqa u dhintay, sanad kastana waanu xusi doonaa, sawiradoodana baarlamanka ayaanu soo sudhi doonaa”

Dib miyaad uga maqasheen wiilashaa magacooda? Dib miyaad u aragteen iyagoo xusaya? Sawiradoodii miyaa baarlamanka la sudhay ?  Jawaabtu waa “MAYA”

Xukuumadda iyo xisbiyada mucaaridku si aan cunfi iyo xanaf lahayn ha u dhammaystaan khilaafkooda, balse dadka dhiigiisa yaanay ka dhigan sallaan kursiga lagu koro ama lagu sii haysto, dhallinyarteenuna way ka qaalisan yihiin wax kursi loo sadqeeyo.

Xasan Daahir Weedhsame