50 qof oo lagu dilay dalka Burkina Faso

Burkina Faso-(Berberanews)-Ku dhawaad ​​50 qof oo ku noolaa deegaan ku yaal bariga Burkina Faso oo ay hanjabaad uga imaanayeen mujaahidiinta ayaa waxaa dilay kooxo hubeysan, sida uu sheegay guddoomiyaha gobolka.

Korneyl Hubert Yameogo ayaa sheegay in kooxda weerarka geysatay aan weli la aqoonsan, inkastoo dagaalyahannada Islaamiyiinta ah ay sannadihii u dambeeyay buux dhaafiyeen dhul ballaadhan oo ka tirsan dalka ku yaalla Galbeedka Afrika.

Wuxuu sheegay in dadka la dilay ay ka soo socdaalayeen dhulka miyiga ah ee Madjoari, kuna sii jeedeen tuulada Nadiaagou, oo qiyaastii 60km (40 mayl) u jirta – una dhow xudduudaha Benin iyo Togo.

Dadka badbaaday ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in ay taleefoonka kula hadleen in ay isku dayeen in ay baxsadaan maadaama cuntadii ka dhammaatay aaggaas, sababtoo ah go’doomin ay maleeshiyada ku hayeen.

“Dadka waxaa dhexda u galay argagixisada way toogteen, dhammaan dadka dhintay waxay ahaayeen rag,” ayuu yidhi mid ka mid ah dadkaas.