Xukuumadda Somaliland oo ka cadhootay tirada laga siiyey xujaajta sannadkan

Hargeysa -(Berberanews)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ka cadhootay tirada xujaajta laga siiyey dadka Soomaalida ah ee tegaya Xajka sannadkan.
350 qof ayaa la siiyey tirada sannadkan tegaya Xajka.
Xukuumadda Somaliland ayaa ku eedaysay maamulka Muqdisho in aannu si caddaalad ah  u qaybin tirada xujaajta la siiyey bulshada dalalka Soomaaliya iyo Somaliland oo dhan shan kun laba boqol iyo lix xaaji.
Jamhuuriyadda Somaliland oo doonaysa in 40% laga siiyo tirada xujaajta Sucuudigu u qoondeeyey bulshada Soomaalida ee ku kala dhaqan waddamada Somaliland iyo Soomaaliya.
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland ayaa sheegay inay cabasho la xidhiidha tirada xujaajta u gudbiyeen dawladda Boqortooyada Sucuudi Carabiya, isla markaana jawaab ka sugayaan.