Maxkamadda Sare oo dhaarisay 4 xubnood oo ka mid ah Guddida Diiwaangelinta Ururrada 

Hargeysa  – (Berberanews)-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa dhaariyey maanta afar xubnood oo ka mid ah Guddida cusub ee Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda Ansixinta Asxaabta Qaranka, kuwaas oo Golaha Wakiilladu ansixiyeen Axaddii toddobaadkan.
Toddobada xubnood ee uu ka kooban yahay Guddida Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda oo hortegay fadhi buuq iyo gacan-ka-hadal badan saameeyey oo Golaha Wakiillada Somaliland yeeshay Axaddii toddobaadkan, ayaa lagu ansixiyey afarta xubnood ee maanta la dhaariyey, halka saddexda kale oo codka kalsoonida waayey dib loogu celiyey Madaxweynaha si uu beddelkooda u soo magacaabo.
Guddidan ayaa u muuqda in ay bilaabayaan hawsha diiwaangelinta ururrada siyaasadda oo hadda khilaaf ka taagan yahay.