Biixi oo kulan la yeeshay caawa qaar ka mid ah ururrada cusub + mucaaradka oo joojiyay wadahadalladii

Hargeysa -(Berberanews)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, ayaa caawa kulan la yeeshay qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha ururrada cusub ee siyaasadda Somaliland.

Sida ilo-xogogaal ah xaqiijiyeen siyaasiinta caawa madaxweynuhu casuumay waxa ku jira Dr Maxamed Cabdi Gabboose, Cabdillaahi Xuseen Iimaan Darawal iyo Cabdirisaaq Ataash oo dhawaan saddexduba shaaciyay ururro siyaasadeed.

Kulanka caawa ee guddoomiyeyaasha Ururrada Siyaasadda iyo madaxweyne Biixi, ayaa ku soo beegmay saacado kadib markii labada xisbi mucaarad sheegeen galabta inay joojiyeen wadahadalladii ay kula jireen xukuumadda KULMIYE.