Berbera: Ajandaha Kal-fadhiga 6aad ee Golaha Deegaanka

Berbera-(Berberanews)-Mudanayaasha Golaha Deegaanka Dgmada Berbera ayaa maanta xarunta dawlada hoose ee degmada Berbera ku yeeshay kalfadhigoodii 6aad.

Qodobada lagaga hadlay kalfadhigaa waxaa ka mid ah.

1) in miisaaniyada la waafijiyo qaadhaankii suuqa waaheen

2) Wax ka badal iyo kaabis lugu samaynaayo tacriifada dawlada hoose, dib u eegis lugu samaynaayo

3) hishiiska isfahamka wasaarada caafimaadka iyo dawlada hoose ee ku saabsan  cisbitaalka guud.

4) Qaboojinta goobaha waxbarashada.

5) Wax ka qabashada xoolaha dhex lugeeyaa magaalada marka la dhoofinaayo

6) Warbixin ku saabsan laydhka

7) Curinta xeerka iskashatooyinka degmada