Xog rasmi ah: Qodobada ay isku mari waayeen Madaxweynaha iyo Xisbiyadu

Hargeysa-(Berberanews)-Sida ay noo xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah, kulanka caawa ee asxaabta mucaaradka iyo Madaxweynuhu qodobka la isku mari waayay waxa uu ahaa muddo kordhin labada dhinacba loo sameeyo.

Xisbiyada mucaaradka ah ayaa ku taliyay in loo kordhiyo Xisbiyada iyo Madaxweynaha labadaba iyagoo soo jeediyay 18 bilood loo kordhiyo Doorashada Madaxtooyada sidoo kale Xisbiyada qarankana loogu daro muddo 2 sanno iyo badh ah.

Madaxweynaha ayaa dhiniciisa sheegay in ay dastuuri tahay kordhinta Madaxtooyada, balse aanay jirin sharciyad muddada loogu kordhin karo xisbiyada, waxaannu carrabka ku adkeeyey in aan wax waanwaan ah laga geli karin doorashada ururrada siyaasadda, isla markaana sidooda u qabsoomayaan.

Intaa kadib markii la ismari waayay ayaa guddida dhexdhexaadintu soo jeediyeen in kulan kale loo ballamo maalinta Sabtida, inkastoo oo xisbiyada mucaaradku rajo beel ka muujiyeen kulan dambe oo ay Madaxweyne Biixi la yeeshaan.