Xisbiyada Mucaaridka oo ka hadlay Kulan lagu kala kacay oo dhexmaray Madaxweynaha

Hargeysa-(Berberanews)-Hoggaamiyayaasha Xisbiyada Mucaaridka Somaliland, ayaa sheegay inaanay wax natiijo ahi kasoo bixin kulan ay la yeesheen Madaxweynaha Somaliland.

Guddoomiyayaasha Xisbiga UCID iyo Waddani; Eng Faysal Cali Waraabe iyo Xirsi Cali Xasan oo dhir jaraaid si wada jira u qabtay caawa ayaa sheegay inay u tageen Madaxweyne cadhaysan.

Guddoomiye Xirsi: “Kulankii caawa ee Xisbiyada mucaaradka iyo Xukuumadda dhammaan qodobaddii doorashada ee aannu ka wada hadalnay ma jiro wax is-afgarad iyo heshiis ah oo aannu ka gaadhnay, noomanay muuqan wax dambe oo wadahadal ah oo la isugu soo noqdo..”