Madaxweynaha Somalia oo sarkaal cusub u magacaabay xilkii Fahad Yaasiin

MUQDISHO —(Berberanews)-Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sarkaal lagu magacaabo Xuseen Macallin Maxamuud Sheekh Cali u magacaabay inuu noqdo La-taliyaha Amniga Qaranka, kaas oo beddeli doona Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo ahaa sarkaalka ugu awoodda badan maamulkii Farmaajo.
Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in Xuseen Macallin yahay khabiir khibrad iyo aqoon durugsan u leh qaab-dhismeedka amniga qaranka, duruufaha amni ee ku xeeran dalka iyo qorsheyaasha dib-u-dhiska ciidammada Soomaaliya.
Xuseen Macallin Maxamuud Sheekh Cali, ayaa hore u soo noqday La-taliyaha Amniga Qaranka Madaxweynihii 9-aad, La-taliyaha Sare ee Amniga iyo La-dagaallanka Argagixisada Madaxweynihii 8-aad iyo xubin ka tirsan Golaha Amniga Qaranka.
Waxa uu sidoo kale xilal sare ka soo qabtay Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya.