Hargeysa-(Berberanews)-Madaxa Xafiiska dawlada Ingriiska ee Somaliland Lezzier Walker oo ka hadashay xukunka ku dhacay Weriyayaasha Maxamed Ilig iyo Cabdijibaar Maxamed ayaa qoraal ay soo saartay ku tidhi.
“Waxaan ka walaacsanahay go’aanka Maxkamada ee ah in Maxamed Ilig iyo Cabdijibaar Maxamed ay ku xukuntay min 1 sanno iyo 4 bilood oo xadhig ah.
Saxaafadu danbilayaal maaha, qabyo qoraalka xeerka saxaafadu waa lama huraan si loo ilaaliyo Suxufiyiinta, loona ilaaliyo halbeeega iyo damaanad qaadka xoriyada saxaafada ee Somaliland”