Somaliland iyo Taiwan oo kala saxeexday Heshiis cusub

Hargeysa-(Berberanews)-Wasiirka Arrimaha Dhaqaalaha ee Taiwan iyo Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Somaliland, ayaa kala saxeexday heshiis ku saabsan macdanta iyo Tamarta.

Ambassador Maxamed Xaaji, ayaa faahfaahin ka bixiyay nuxurka heshiiska dhexmaray Somaliland iyo Taiwan.

“Waxa farxad ii ah in Jamhuuriyadda Somaliland iyo Taiwan ay kala saxeexdaan heshiiska Tamarta iyo Macdanta oo in muddo ah laga soo shaqaynaayey. Heshiiska ayaa waxa kala saxeexday labada Wasiir ee labada wasaaradood ee ku shaqada leh (Wasiirka Arrimaha Dhaqaalaha ee Taiwan iyo Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Jamhuuriyadda Somaliland). Heshiiska labada dawladood waxa uu xoogga saarayaa:-

1. in la oggaado macdanta ku jirta Jamhuuriyadda Somaliland nooceeda, caddadkeeda, meelaha ay ku jirto iyo qiimaha ay lacag ahaan ku fadhido.

2. In la inoo sameeyo bangi macluumaadka iyo xogta macdanta iyo tamarta aan ku kaydino oo casri ah ama digital ah (Data Bank of Energy and Minerals).

3. In Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta la siiyo tobabar iyo aqoonta baadhista shidaalka iyo macdanta iyo weliba in laga dhiso qodista, soosaarista, iib-geynta iyo ka fa’idaysiga khayraadka dabiiciga ah (Training program for personnel of drilling, exploration, exploitation and production).

4. In Taiwan ay inaga caawiso dhanka shuruucda iyo siyaasadda tamarta iyo macdanta ee Jamhuuriyadda Somaliland iyada oo aqoonta wasaaradda si weyn kor loo gu qaadayo (Regulations on energy and mineral industry. Policy on the development of energy and mineral industry). 

5. In Taiwan ay kor u qaaddo maalgashiga iyo ganacsiga khayraadka Somaliland (Promoting bilateral investment and trade).

6. In Somaliland loo fududeeyo in khayraadkeeda la maalgaliyo wixii caqabad ah ee maalgashiga ka horjoogsanayana la waajaho (Addressing the investment obstacles).

7. In kor loo qaado wax wal oo taageeraya in Somaliland ay ka faa’idaysato khayraadkeeda dabiicga ah, gaar ahaan wax wal oo caawinaya shaqada waxsoosaarka (Promoting interaction of the related sectors; and exploring any other measures that will help the cooperation in the industry).”