Maraykanka oo wacad ku maray inuu Taiwan  difaaci doono haddii Shiinuhu weeraro

Washington -(Berberanews)-Madaxweynaha Maraykanka Mr Joe Biden, ayaa wacad ku maray in dalkiisu farogelin millatari oo toos ah ku difaaci doono Jasiiradda Taiwan, haddii Shiinuhu duullaan ku qaado.
Hadalka sidan u cad ee uu arrintan ku sheegay Biden, ayaa soo afjaraya sannado badan oo madmadow istiraatijiyadeed oo ku saabsan difaaca Maraykanka ee Taiwan uu ka muuqday madaxdii xafiiska Aqalka Cad uga horreeyey.
Madaxweyne Joe Biden warbaahinta kula hadlay dalka Japan oo uu booqashadii ku tegay toddobaadkan, waxa uu sheegay in Mareykanka ay ka go’an tahay siyaasadda ku salaysan Shiine hal dal ah, balse waxa uu carrabka ku adkeeyey duullaan Shiinuhu ku qaado Taiwan inuu kala furfuri doono gobolka oo dhan, “Maraykanka iyo xulafadiisu ma oggolaan doonaan inay taasi dhacdo isaga oo barbar dhigaya duullaanka noocaas ah waxa ka socda Ukraine,” ayuu yidhi Madaxweynaha Maraykanku.
Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Shiinaha, ayaa sheegay in Beijing ay aad uga xuntahay hadallada noocan ah ee ka soo yeedhay Madaxweynaha Maraykanka, isagoo ku nuuxnuuxsaday in Taiwan tahay qayb aan la aqbali karin oo ka tirsan dhul weynaha Shiinaha.