Kumannaan qof oo lagu xidhxidhay Gobolka Axmaarada Itoobiya

Baxardaar -(Berberanews)-Warbaahinta maxalliga ah ee Gobolka Amxaarada ee woqooyiga Itoobiya, ayaa sheegay in in ka badan afar kun oo qof la xidhay, taasoo qayb ka ah olole ballaadhan oo maamulku ku qabqabanayo dagaalyahannada malleeshiyada FANO ee qoomiyadda Axmaarada oo halkaas ka dagaallama, kuwa dhaleeceeya iyo saxaafadda.
Arrintan ayaa timi waqti uu sii xoogaysanayo khilaaf soo kala dhexgalay madaxda qoomiyadda Axmaarada iyo dawladda dhexe ee uu hoggaaminayo Ra’iisal-wasaare Abiy Axmed oo hadda ka hor jaal ku ahaa gulufkii ciidammada Itoobiya ku qaadeen Gobolka Tigray.
Sarkaal ka tirsan Ciidanka Nabadsugidda Gobolka Axmaarada oo lagu magacaabo Desalegne Tasew, ayaa sheegay in in ka badan laba boqol oo qof lagu eedeeyey dilal iyo falal kale oo sharci-darro ah oo ay geysteen malleeshiyaadka loo yaqaan FANO.
Ciidammada Dawlad-degaanka Axmaarada iyo malleeshiyada FANO, ayaa sannadkii hore ku taageeray dawladda federaalka olole dagaal ka dhan ah jabhadda Tigreega, balse xidhiidhka u dhexeeya masuuliyiinta deegaanka Axmaarada dawladda dhexe ee Itoobiya ayaa xumaaday.
Laba ka mid ah xarumaha warbaahinta ee Amxaarada, ayaa sheegay in sagaal xubnood shaqaalahooda ka tirsan la xidhay.
Xadhig-wadareedkan ayaa ku soo beegmay xilli maamulka Axmaaradu dadaal ugu jiraan sidii loo diiwaangalin lahaa lahaanshaha hubka, waxa ay ku sheegeen dadka dhaliila inay tahay isku day lagu doonayey in hubka lagaga dhigo xoogagga FANO.