Golaha Guurtida oo Guddi u saaraysa xaalada waddanka ka taagan

Hargeysa –(Berberanews)-Fadhigii manta ee golaha guurtida Somaliland, oo uu shir’guddoominayay guddoomiyaha golahaasi mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa mudanayaasha golahaasi waxa ay dood ka yeesheen xaalada guud ee dalka.

Mudanayaashu waxa ay doodooda kaga hadleen xaalada abaareed waxaanay si gaar ah u xuseen in laga war hayo xaalada nololeed ee dadkaasi, oo xilligan ay xaalad biyo la’aani soo foodsaartay, halka mudanayaasha qaarkoodna ay dalbadeen in salaad roob doon ah la tukado, lana sii wado.

Sidoo kale waxa ay ka xog warameen arrimaha sicirbararka dalka naafeeyay, iyaga oo soo jeediyay in qiimaha miciishada hoos loo dhigo.

Dhanka kale waxa ay mudanayaashu asxaabta Qaranka u soo jeediyeen in ka hadalka arrimaha siyaasadda hoos loo dhigo, maadama xilligi furista ururada aan la gaadhin.

Guddoomiyaha golaha guurtida ayaa mudanayaasha ku wargeliyay in guddi kooban ay u saari doonaan xaalada dalka ka taagan.