Fahad Yaasiin oo ka dhoofay Muqdisho maalin ka hor xilwareejinta Farmaajo

Muqdisho  -(Berberanews)-Taliyihii hore ee hay’adda NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir iyo saaxiibkiisa gaarka ah xildhibaan hore Cabdiraxmaan Dheere ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.
Fahad iyo saaxiibkii ayaa saaka Muqdisho ka raacay diyaaradda Turkish Airline, iyagoo u duulay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga. Ma cadda hadiii Istanbul ay ku hakan doonaan oo kaliya iyo haddii safarkoodu halkaas yahay.
Waxaan sidoo kale aan caddayn haddii in Fahad uu si toos uga guuray Muqdisho oo uu dibad joog noqonayo wixii hadda ka dambeeya iyo inuu ku soo laabanayo, balse waxa la sheegay inuu saaxiibadiisa dhow u sheegay inuu safar gaaban galayo, uuna dib u soo noqonayo maalmo kadib, balse lama xaqiijin karo run ahaanshaha hadalkaas.
Safarka Fahad uu maanta kaga baxay Muqdisho ayaa yimi maalin ka hor inta aannu xilka madaxweynaha Soomaaliya wareejin saaxiibkii Farmaajo oo xafiiska u tirinaya cusub Xasan Sheekh Maxamuud.
Fahad Yaasiin oo mar ahaa ninka ugu awoodda badan siyaasadda Soomaaliya ayaa ugu dambeyn gacmo madhan kasoo istaagay loolankii siyaasadda Soomaaliya ee muddada soo jiitamayey oo dhinac kasta lagaga adkaaday.
Waxaa isaga shaqsiyan laga hor-istaagay inuu noqdo xildhibaan, taasi oo dhabbaha usii xaadhi laheyd inuu noqdo guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka, kadib markii guddiga doorashada heer federaal ay sharci-darro ku qeexeen habkii loogu soo doortay Beledweyne.
Inkasta oo guddiga ay ku dhegeen, haddana waxa aad loo rumeysan yahay in raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble yahay qofka ka dambeeyey in Fahad loo diido xildhibaannimada.
Waxa kadib isaga iyo madaxweyne Farmaajo lagaga adkaaday loolankii guddoonada laba aqal ee baarlamanka oo dhammaantood ay ku soo baxeen xubnaha mucaaradka.
Albaabkii Fahad iyo Farmaajo ayaa ugu dambeyn soo xidhmay markii lagaga adkaaday doroashadii madaxweynaha, taasi oo xaqiijisay in shan sanno kadib aanay wax saameyn ah ku laheyn siyaasadda Soomaaliya.
Ma cadda hadda qorshaha xiga ee Fahad oo lagu yaqaan inuu yahay xariif siyaasadeed, oo hore ugu guuleystay inuu soo saaro ama wax ka dhiso laba madaxweyne; Xasan Sheekh 2012, iyo Farmaajo 2017.
Waxaan sidoo kale caddeyn halka uu ku dambeyn doono kursiga Fahad laga hor-istaagay ee HOP086 oo weli aan go’aan laga gaadhin.
Sidoo kale, safarka Fahad ayaa ku soo beegmay xilli Faarax Sheekh Cabdulqaadir uu doonayo inuu qaato kursiga HOP086, waxana jira qorshe markale lagu qabanayo doorashada kursigaas oo uu isagu hore ugu fadhiyey.