Daahir Rayaale oo si kulul uga jawaabay eedaymo uga yimi siyaasiyiin

Hargeysa-(Berberanews)-Madaxweynihii Hore Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, ayaa si kulul uga jawaabay eedaymo uga yimi siyaasiyiin ka tirsan Xisbiga Kulmiye.

“Siddeedii (8) sannadood ee aan xilka hayay maalin kasta oo Qaran marti qaad ayaan u fidin jiray xisbiga KULMIYE maalin qudha kamay soo qayb-gelin xaflad qaran oo aan ku martiqaaday” Madaxweynihii Hore Somaliland Daahir Rayaale Kaahin.