Xildhibaanno mucaarad ah oo mooshin horgeeyey Golaha Wakiillada

Hargeysa -(Berberanews)-Afar iyo toban xildhibaan oo ka tirsan mudanayaasha xisbiyada mucaaridka ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa u gudbiyey shirguddoonka golahooda maanta mooshin ay ku dalbanayaan ansaxinta Xeerka Saxaafadda oo in muddo ah horyaal Golaha.
Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun oo ka mid ah mudanayaasha mooshinka gudbiyey, ayaa gole waynaha ka codsaday in ay ansixiyaan Xeerka Saxaafadda Somaliland oo uu ku tilmaamay inuu yahay mid muhiimad weyn u yeelan doona madaxbannaanida warbaahinta iyo difaaca xuquuqda suxufiyiinta.