Saraakiil ka tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland oo ka qallin-jabiyey Kulliyadda Dagaalka ee Itoobiya

Addis Ababa  -(Berberanews)-Laba sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ka qallin-jabiyey Kulliyadda Dagaalka ee Ciidammada dalka Itoobiya maanta.

Saraakiisha Ciidanka Qaranka Somaliland ee ka  qallin-jabiyey Kulliyadda Dagaalka ee Ciidammada Itoobiya oo kala ah Gaashaanle sare Axmed Xasan Faarax iyo Gaashaanle sare Maxamed Xaaji Ciise, ayaa ka mid noqday saraakiishii ugu horreeyey millateriga Itoobiya ee ka baxa kulliyaddaas oo ah midda ugu sarraysa ee lagu qaato cilmiga hoggaaminta dagaalka.

Munaasibad loo sameeyey xafladda qallin-jabinta dufcaddii koowaad ee saraakiisha ka baxay Kulliyadda Ethiopian Defense War College oo ay ku jiraan labada sarkaal ee ka tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland, waxa ka qaybgalay Raysal-wasaare Abiy Axmed iyo Taliyaha Ciidammada Itoobiya  Maarashaal Burhanu Julla iyo saraakiil kale.