Maxkamadda Gobolka oo soo afmeertay Dhegaysiga Dacwadda weriyeyaal ku xidhan Hargeysa

Hargeysa -(Berberanews)-Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex, ayaa soo afmeertay maanta dhegaysiga dacwadda ay u xidhan yihiin saddexda suxufi ee Maxamed Cabdi Sheekh (Ilig), Cabdijibbaar Maxamed Xuseen iyo Cabdiraxmaan Cali Khaliif, kuwaaas oo ay dhagaysiga dacwaddoodu ka socotay Maxkamadda dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay.
Suxufiyiintan ayaa muddo bil   iyo dheeraad ah u xidhan eedaymo la xidhiidha inay warbixino been-abuur ah ka baahiyaheen shaqaaqo ka dhacday gudaha Xabsiga Dhexe ee magaalada Hargeysa horraantii bishii Ramadaan.