Madaxweyne Biixi, Saylici iyo Wasiir Kaahin oo gurigiisa ku booqday Siilaanyo

Hargeysa-(Berberanews)-“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, Madaxweyne ku Xigeenka Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici iyo Wasiirka Daakhliga Maxamed Kaahiin Axmed, ayaa caawa salaan sharafeed iyo booqasho ugu tegay guriga uu ka daggan yahay Hargaysa Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Waxay ahayd caways koobsaday  hoggaamiyayaal taariikh wadaag ahaa, kuwaas oo talooyin siyaasadeed iyo kaftan bilaa turxaan ah waddaagay.”

Warkan waxaa qoray Amb Bashe Awil Haji Omar.