Jaaliyadda Somaliland ee dalka Uganda oo xus weyn u sameeyay 18ka May

Uganda-(Berberanews)-Munaasibad si  balaadhan loo soo agaasimay oo lagu xusayo 31-guurada 18 May ayaa xlay lahu qabtay Caasimada Dalka Uganda ee Kampala.

Jaaliyadda Sonaliland ee dalka Uganda, ayaa si weyn u muujiyay xuska ay ugu dabaaldegayaan 18ka May.

Wakiilka Somaliland ee Dalka Uganda Xamse Xaaji Dool ayaa wuxuu aad   ugu mahad celiyay guud ahaan Jaaliyada Reer Somaliland ee ku dhaqan Dalka Uganda sida quruxda leh ee ay ugu dabaal degeen Maalinta la soo noqoshada Xoriyada Somaliland ee 18 May.