Dawladda Itoobiya oo xidhay taliyihii ciidammada Gobolka Amxaarada

Addis Ababa  -(Berberanews)-Dawladda Itoobiya ayaa xabsiga dhigtay jeneraal caan ah oo taliye ka ahaa ciidammada maamul-goboleedka Gobolka Axmaarada, kaas oo beryahan dambe dhaliili jiray xukuumadda Ra’iisal-wasaare Abiy Axmed.
Sarreeye Guuto Tefera Mamo ayaa ka soo muuqday maxkamadda shalay Jimcihii, kadib markii toddobaadkan la xidhay, sida ay sheegtay xaaskiisa, xilli la xidhxidhayey qaar ka mid ah dadka u ololeeya siyaasadda qoomiyadda Amxaarada.
Sarreeye Guuto Tefera Mamo ayaa ahaa taliyaha Ciidanka  Gobolka Axmaarada ka hor intii aan xilka laga qaadin bishii February ee sannadkan, iyada oo aan la sheegin sababta. Ciidanka Axmaarada ayaa taageerayey ciidammada federaalka Itoobiya ee ka soo horjeeday xoogaggii kacdoonka waday ee woqooyiga Tigray markii dagaalku ka qarxay halkaas sannadkii 2020.
Axaddii hore, Tefera ayaa waraysi uu siiyey telefishan waxa uu ku naqdiyey istiraatijiyadda Abiy ee ka dhanka ah kooxda TPLF, isagoo sidoo kalena ku eedeeyey xubnaha Axmaarada ee ka tirsan xisbiga talada haya ee Ra’iisal-wasaaraha in lagu dhiirrigeliyey lacag.
Menen Haile oo ah xaaska Tefera, ayaa sheegtay in lagu hayay xabsiga muddo toban maalmood ah. “Boolisku waxay sheegeen inay tuhunsan yihiin inuu ka shaqaynayo inuu si xoog ah u burburiyo nidaamka dastuuriga ah,” ayey u sheegtay Reuters.
Tefera ayaa lagu xidhay caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa maalintii Isniinta ee toddobaadkan.
Dhinaca kale, shan weriye oo ka tirsan warbaahinta maxalliga ah ee Ashara, ayaa sidoo kale la xidhay Khamiistii, sida uu saaxiibkood u sheegay Reuters.
“Dadka kaxaystay suxufiyiinta waxay ku lebbisnaayeen dharka ciidammada gaarka ah ee booliska iyo kuwa ka-hortagga rabshadaha ee Axmaarada, markii ay qabteen waxaan ku dhex dhuumanayey musqul,” ayuu yidhi taliyaha oo intaa ku daray inay xidheen xafiisyadii Ashara ee magaalada Bahar Dar.
Saraakiisha maamulka Axmaarada ee  millatariga iyo booliska ayaan ilaa hadda ka hadal dhacdooyinkan.