TPLF oo xabsiga ka sii daysay kumannaan maxbuus ciidammada Itoobiya ah

Maqalle  -(Berberanews)-Kooxda TPLF ayaa xabsiga ka sii daysay 4800 askari oo ka tirsanaa Ciidammada Federalka Itoobiya, kuwaas oo ay maxaabiis ahaan loogu qabtay dagaallo qadhaadh oo ka dhacay Gobolka Tigray sannadihii 2020 iyo 2021.

Ciidanka la sii daayey waxa ku jira afar boqol oo haween askar ah, waxayna kooxda TPLF sheegtay inay ciidankan ku qabteen dagaalladii ay la galeen ciidammada dawladda dhexe ee Itoobiya.