Qarax lala beegsaday musharrax Madaxweyne oo Muqdisho ka dhacay

MUQDISHO —(Berberanews)-Qarax xooggan magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax xooggan, ayaa lala beegsaday mid ka mid ah siyaasiyiinta ugu caansan dalka Soomaaliya xilli uu ku sugnaa xaafadda Dharkayngeeye ee magaalada Muqdisho duhurnimadii maanta.

Qaraxa ayaa la sheegay in lagu bartilmaameedsaday siyaasiga Cabdillaahi Sheekh Xasan
oo ka mid ah murashaxiintii u tartamay doorashadii Madaxweyne Soomaaliya ee uu ku guulaysatay Xasan Sheekh Maxamuud dhowaan.
Weli si rasmi ah looma xaqiijin khasaaraha ka dhashay qaraxa lagu weeraray siyaasiga oo sida wararka qaar sheegeen inuu ahaa miino dhulka lagu aasay.

Goob-joogayaal ayaa u sheegay VOA-da in qaraxu dhacay xilli uu siyaasigu ka baxay Masaajid uu ku tukaday salaaddii Jimcaha ee maanta.
Ciidammada ammaanka ee Muqdisho ayaan ilaa hadda wax tafaasiil ah ka bixin qaraxa lala eegtay siyaasiga.