Itoobiya: Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo lagu soo dhoweeyey Jigjiga

Jig-jiga -(Berberanews)-Waxa gagida diyaaradaha ee Garaad Wiil-waal ee magaalada Jigjiga, xarunta Dawlad-degaanka Soomaalida Itoobiya si meeqaam sare leh loogu soo dhoweeyey Professor Axmed Ismaaciil Samatar oo ah aqoonyahan u dhashay dalka Jamhuuriyadda Somaliland.
Wasiir-ku-xigeenka Xafiiska Madaxweynaha Dawlad-degaanka Soomaalida Itoobiya, mudane Maxammed Yuusuf Rooble, masuuliyiin heer degaan ah iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa Professor Samatar ku qaabilay garoonka Jigjiga maanta.

“In ka badan 30 sanno ma aanan arag Degaanka Soomaalida, maantana aad ayaan ugu faraxsanahay in aan soo gaadho iyada oo ay waliba iiga muuqato isbaddal sal ballaadhan,” ayuu yidhi Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo si weyn ugu mahadnaqay madaxda iyo shacabka Dawlad-degaanka Soomaalida Itoobiya ee ku soo dhoweeyey Madaarka Jigjiga.
Prof. Samatar ayaa la filayaa inuu maalmaha soo socda uga sii gudbo Jigjiga dhinaca caasimadda Somaliland ee Hargeysa oo uu in muddo ah ka maqnaa.

SRTV Somali