Dagaallo markale ka dhex qarxay qoomiyadaha Canfarta iyo Soomaalida Itoobiya

Diridhaba – (Berberanews)-Dagaallo u dhexeeya Soomaalida iyo Canfarta ayaa dib uga qarxay degaannada galbeedka Gobolka Sitti ee dalka Itoobiya.
Colaadda Gobolka Sitti ka soo cusboonaaday, ayaa timi maalmo kaddib markii hoggaamiyeyaasha maamul-goboleedyada Canfarta iyo Soomaalida Itoobiya ay heshiis ku kala saxeexdeen magaalada Jigjiga.
Xero dad barakacayaal ah deggan yihiin, ayaa labada dhinac dagaal culus ku dhexmaray gelinkii dambe ee shalay iyo maanta, sida uu warbaahinta u sheegay Xaaji Cali Muuse oo ka mid ah odayaasha dhaqanka ee Gobolka Sitti.
Waxa uu intaa ku daray in ugu yaraan 2 ku dhinteen, tiro kalena ku dhaawacmeen dagaal saacado socday oo malleeshiyada labada dhinac dhexmaray gelinkii hore ee maanta.