Somaliland oo soo dhoweysay xubinimada Taiwan ee WHO

Hargeysa  -(Berberanews)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Ciise Keyd Maxamuud, ayaa soo dhoweeyey go’aan Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO markii ugu horreysay ugu oggolaatay dawladda Taiwan xubin goob-jooge ah oo uga qaybgeli doona shirarka kala duwan ee hay’addaas.
War-murtiyeed Wasiir Kayd soo saaray maanta waxa uu ku sheegay in dawladda Somaliland si buuxda u soo dhoweynayso goob-joogenimada Taiwan ka heshay ka-qaybgalka shirarka caalamiga ah ee WHO.


Warmurtiyeedka oo ku qoran luqadda Ingiriisida, isla markaana Afsoomaali u rogtay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, Wasiirku waxa uu si weyn u bogaadiyey taageerada dhinacyada kala duwan leh ee Taiwan u fidiso Somaliland.

Wasiir Ciise Keyd waxa kale oo uu ammaanay horumarka Jamhuuriyadda Taiwan ka gaadhay adeegyada caafimaadka iyo xakameynta xannuunka  Covid 19-ka, waxaannu xusay in ay muhiim tahay ka qaybgalka shirarka Hay’adda WHO.
Solna Wakaalada Wararka Khadar Maxamud Khadar Horyaal