Nuxurka kulan caawa dhexmaray Xukuumadda iyo Xisbiyada Mucaaridka

Hargeysa-(Berberanews)-Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa ka hadlay waxyaabaha lagu gorfeeyey kulan xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka ku dhexmaray Madaxtooyada Hargeysa caawa.

“Caawa waxaa kulan nooga qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, Xukuumadda oo uu horeeyo Madaxweynaha Qaranka iyo asxaabta Xisbiyada Mucaaradka ah, kulankaasi wuxuu noogu soo dhamaatay guul iyo is-afgarad buuxa.

Waxaanu ku heshiinay in Xuska maalinta Qaranka ee 18 May la wada xuso maalinnimada, habeenkiina ay asxaabta mucaaradku ay ku qabsan doonaan goobohooda gaar ah Xuska Maalinta Qaran ee 18 May.

Arimihii kale ee Siyaasadda waxaanu u balanay in aan ka wada hadalno 18 May ka dib hadii Alle idmo.

Waxaan u mahadnaqayaa Odayaashii ka soo shaqeeyey kulankan oo uu ka mid ahaa Cali Maxamed Warancade, Gudoomiyaha Baanka Dhexe iyo Gudoomiye Ku-Xigeenka Labaad ee Xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Dheere.”