Madaxwayne Biixi oo kulan la yeelanaya hoggaanka xisbiyada mucaaradka caawa

Hargeysa -(Berberanews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan ballaadhan la yeelanaya hoggaanka labada xisbi mucaarad ee UCID iyo WADDANI caawa.
Sida laga soo xigtay Afhayeenka Xisbul-xaakimka KULMIYE Mr. Cabdinaasir Buuni,  kulanka Madaxwaynuhu la yeelayo madaxda xisbiyada mucaaradka oo beryahan dambe khilaaf xooggan u dhexeeyey, waxa qabanqabadiisa lahaa siyaasiyiin ka soo wada jeeda degaanka bariga caasimadda Hargeysa, isla markaana xilal sare ka haya xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE.
Kulanka ayaa sida la sheegay waxa qabsoomiddiisa soo agaasimay
Guddoomiye-ku-xigeenka 2aad ee xisbiga KULMIYE Axmed Cabdi-dheere,
Guddoomiyaha Baanka Dhexe, Cali Cabdillaahi iyo siyaasiga caanka ah ee Cali Maxamed Warancadde.