Joe Biden oo ansixiyay in ciidamada Mareykanka loo diro Soomaaliya

USA-(Berberanews)-Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa fasaxay in ciidamo Mareykan ah loo diro Soomaaliya, isagoo meesha ka saaray go’aankii uu qaatay madaxweynihii isaga ka horreeyay Donald Trump sanadkii hore ee ahaa in meesha laga saaro ​​dhammaan ciidamadii ka howlgalayay Soomaaliya.

Go’aanka Biden ayaa waxaa werisay wakaaladda wararka ee Reuters iyo Associated Press Isniintii waxayna soo xigatay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Biden oo aan la magacaabin.

Wararka ayaa sheegaya in go’aankan uu salka ku hayo codsi ka yimid xoghayaha difaaca Mareykanka Lloyd Austin.
“Madaxweyne Biden waxa uu ogolaaday codsi uga yimid Xoghayaha Difaaca ee Maraykanka oo ahaa in dib loo soo celiyo joogitaanka ciidamada Maraykanka ee Soomaaliya si ay awood ugu yeeshaan dagaal wax ku ool ah oo ka dhan ah Al-Shabaab,” ayuu sarkaal sare oo ka tirsan maamulka u sheegay Reuters.

“Tani waa dib u habeyn lagu sameeyay ciidamadii horay ugu sugnaa kuwaas oo si isdaba joog ah ugu socdaalay gudaha iyo dibadda Soomaaliya tan iyo markii maamulkii hore uu go’aansaday in uu ka baxo,” ayuu sarkaalku hadalkiisa raaciyay.

Ka hor la bixitaanka Trump, Mareykanka waxaa Soomaaliya ka joogay ilaa 700 oo askari oo diiradda saarayay sidii ciidamada maxalliga ah ay uga adkaan lahaayeen Al-Shabaab.