Faysal Cali-waraabe oo hambalyo, dardaaran iyo codsi u diray Xasan Sheekh

Hargeysa-(Berberanews)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali-waraabe, ayaa hambalyo, dardaaran iyo codsi wada socda u diray Madaxweynaha cusub ee dalka Soomaaliya Mr Xasan Sheekh Maxamuud oo la doortay xalay.
Guddoomiye Faysal oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa magaalada Hargeysa maanta, ayaa ugu horreyn u hambalyeeyey Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, waxaannu Illaahay uga baryey inuu ku asturo xilka culus ee doortay, isagoo dhinaca kalena ka codsaday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu fuliyo go’aamadii ka soo baxay wadahadalladii dhexmaray Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalkiisa Soomaaliya.
“Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya waxaan ka codsanayaa, Somaliland dhulkeedii gacanta ayey ku haysataa, nidaam ayey samaysatay, meelaha ugu fiican Gobolka Geeska ayey ka mid tahay, shalayna annaga oo dal ah ayaannu idiin nimid, waynuna is xamili waynay oo arrinta Yukrayn ka dhacday oo kale ayaa nagu dhacday, markaa waxaan kaa codsanaya in heshiisyadii aynu wada galnay iyo go’aamadii in aad fuliso,” ayuu yidhi Guddoomiyaha xisbiga UCID.
Waxa kaloo uu kula taliyey Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya inuu ka fogaado qaladad uu sheegay inuu sameeyey Xasan Sheekh markii hore ee uu madaxweynaha ahaa. “Waxaan kaa doonayaa in aad qaladaadkii doorkii hore aad samaysay ee aad doorashada ku wayday, in aad isa saxdaan. Annagu haddii aannu nahay reer Somaliland diyaar baanu u nahay wixii aad nooga baahataan in aannu idinku caawino, si aad dalkiinna ku hagaajin kartaan.”
Eng. Faysal Cali-waraabe ayaa sidoo kale kula dardaarmay Madaxweynaha la doortay ee Soomaaliya in uu caddaaladda oogo oo uu sharciga horkeeno shaqsiyaadka ka tirsanaa maamulkii Farmaajo ee dembiyada iyo dhagaraha bulshada ka galay, isla markaana awooddiisa hoggaamineed si buuxda u isticmaalo.