Ciidanka Booliska Somaliland oo baafinaya ehlada wiil yar oo isku deldelay Hargeysa

Hargeysa-(Berberanews)-Ciidanka Booliska Somaliland ayaa baafinaya ehlada wiil yar oo isku deldelay Hargeysa oo maydkiisa laga helay Xaafadda Sheekh Madar.

Maydka wiilka yar oo ku jiraa qolka maydka ee Cisbitalka weyn Hargeysa, ayay Boolisku ka codsadeen dadweynuhu in ciddii aqoonsata wejigiisu la soo xidhiidhan ciidanka Booliska Waaxda baadhista Dembiyada.

“Waxa hoggaanka baadhista Damiyada (C I D) baafinayaa Nin maydkiisa Laga helay xaafada ka dambaysa Sh Madar la yidhaa mabruuk ee Dagmada gacan libaax.

Da’adiisa waxa lagu qiyaasay ilaa 20 jir Dhererkiisana 1mitir iyo Todobaatan santi, midabkiisuna waa casaan,  wuxuuna ku jiraa qolka maydka ee Cisbitalka weyn Hargeysa.

Cidii Aqoonsata hala soo xidhiidho Hogaanka Baadhista Dambiyada (C I D).”