Abiy Axmed oo farriin u diray Madaxweynaha Somalia ee ka guulaysatay saaxiibkii Farmaajo

Addis Ababa  -(Berberanews)-Ra’iisal-wasaaraha dalka Itoobiya Dr Abiy Axmed, ayaa u hambalyo u diray madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Mr Xasan Sheekh Maxamuud, kadib markii uu doorasho adag oo ka dhacday Muqdisho xalay oo uu kaga guulaystay saaxiibkiisii ay aadka isugu dhowaayeen ee Maxamed Cabdillaahi Farmaajo oo xafiiska Villa Somalia fadhiyey ka talinayey shantii sannadood ee u dambeeyey.
Ra’iisal-wasaare Abiy waxa sheegay inuu si dhow ula shaqayn doono madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, isla markaana iska kaashan doonaan arrimo ay ka mid yihiin xidhiidhka labada dal iyo danaha gobolka.
Hadalkan Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya ku sheegay farriin qoraal ah oo dhigay bartiisa Twitter-ka maanta.
Madaxweyna cusub Xasan Sheekh ayaa helay 214 cod, halka Madaxweyne Farmaajo oo isugu soo hadheen wareeggii u dambeeyey ee doorashada uu helay 110 cod.
Waxa codeeyey 327 xildhibaan oo labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ka kooban yahay.
Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya waxa u tartamay in ka badan 30 murashax, kuwaas oo ku hadhay wareeggii koowad iyo labaad ee codbixinta oo ahayd mid aad u adag.