“Nin maqan tabistii waa nin jooga ceebtii” Xildhibaan Laabsaalax

Xildhibaan Xasan Saleebaan Dhuxul Laabsaalax: “Mudanayaal Golaheennu mucaaridna waxba uguma filna, muxaafidna waxba uguma filna, ummaddana waxba uguma filna.
Maxaynu runta isku diidsiinaynaa wixii la inoo doortay kama shaqaynee.

Ogaada khilaafka siyaasadeed ee dalka ka jiran qayb ayeynu ka nahay. Oday hebel iyo oday hebel  ayaa dadka kala qaban jiray oo dhintay waydinkan ku soo celcelinayee innagu mudanayaal miyeynaan waxba kala qaban karin, illeyn nin maqan tabistii waa nin jooga ceebtiiye?”