Ex. Madaxweyne Rayaale oo si mug leh uga talo-bixiyey khilaafka doorashooyinka Somaliland

“Nabadgalyadu waa midhaha ugu mihiimsan ee la soo noqoshada xorriyaddu inoo dhashay. Somaliland halkaas waxay ku soo gaadhay isku tanaasul iyo in si kasta oo loo kala aragti duwan yahay haddana lays qanciyo.
Xukuumadda waxa saaran masuuliyad haday wax khaldamaan masuuliyada koowaad iyadaa qaadaysa, haddii ay wax saxmaanna ammaanta koowaad iyadaa leh, markaa waa in ay door xukuumadeed oo masuuliyad ku dheehan tahay qaataan.
Doorashadu waa waddada keliya ee aynu ku heli karno aqoonsi, iyo ammaan aynu ka helno caalamka dimoqraadiyadda ku faana haddii aynu qaban wayno ama ay dib innooga dhacaan iyada oo aan cudurdaar jirin (Justification) waxay wax yeeli kartaa ammaankeenna, dimoqraadiyaddeenna iyo mustaqbalkeenna dambe.

Mucaaradku mar walba waxa uu u taagan yahay toosinta xukuumadda iyo ku-kor-joogtaynta in ay sidii saxda ahayd wax u waddo. Waad wada ogtihiin sidii KULMIYE waagii ay mucaaradka ahaayeen aniga iyo xukuumadayda u dhaliili jireen. Dhaliishu waa toosin ee ha joogteeyeen.
Happy 18 May dhammaan Somaliland.

Madaxwaynihii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland

Daahir Riyaale Kaahin.