Xukuumadda oo derejo-dallacsiin cusub u samaysay degmooyinka Balligubadle, Caynabo iyo Taleex

Hargeysa-(Berberanews)-“Waxa aan ku faraxsanahay in xukuumadda JSL ay qaaday talaabada dalacsiinta saddex degmo oo ay ka mid tahay Balligubadle.
Hanaankan oo ah mid waafaqsan dastuurka iyo xeerarka dalka waa nidaamka dastuuriga ah ee lagu qiimeeyo degmo. Waa geeddi-socodka saxda ah ee aan ugu ballan qaaday shacabkii i soo doortay in Balligubadle ku heli doonto derejada ay xaqa u leedahay.
Waxa aan ku faraxsanahay in dedaalkaasi midho dhalay. Waxa aan si gaar ah ugu mahadcelinayaa Madaxwaynaha JSL Md Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Md Maxamed Kaahin Axmed oo ah laba shaqsi oo aqoon iyo waayo-aragnimo durugsan u leh Balligubadle oo muddo dheer u ahayd xarunta guud ee ay ka hawlgalaan waagii halganka hubaysan ee dib u xoraynta Somaliland.
Degmooyinka kale ee la qiimaynayo waa Caynabo iyo Taleex oo iyana leeyahay hanbalyo.” Sidaa waxa qoray xildhibaan Maxamed Xuseen Jaamac (Raambo) oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland ee laga soo doortay Gobolka Maroodi-jeex.

Akhri wareegto Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md Maxamed Kaahin Axmed ku soo saaray maanta dallacsiinta saddexda ee Balligubadle, Caynabo iyo Taleex, kadib markii Madaxweyne Biixi dib ugu celiyey Golaha Wakiillada derejo-dallacsiin horeĀ  goluhu ugu sameeyey degmooyinkaas, tallaabadaas oo Madaxweynuhu ku tilmaamay inay ka horimanayso distoorka qaranka, sidaa darteedna xukuumaddu ku samayn doonto dallacsiinta derejada saddexda degmo si distoorka iyo shuruucda dalka waafaqsan.