Shil dhimasho iyo dhaawac badan sababay oo ka dhacay duleedka Hargeysa

Hargeysa – (Berberanews)-Allaah ha u naxariistee 4 qof ayaa ku dhintay, 7 kale oo qaarkood xaaladoodu culus tahayna way ku dhaawacmen shil baabuur oo ka dhacay xaafadda Burcada-yar ee duleedka bari ee magaalada Hargeysa gelinkii hore ee maanta.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Mr Axmed Abokor Maxamed oo dhaawaca ku booqday Cusbitaalka Guud ee Hargeysa, ayaa ka dayriyey xaaladda dadka dhaawacyada ah.
“Inta dhimatay marka laga tago inta dhaawaca ah laftooda xaaladoodu way culus tahay, ALLE  waxaannu uga baryayna in uu u booga dhayo, qarankana dhib weyn ayay ku tahay in maalin walba uu qof innagaga dhinto wax laga hortagi karo,” ayuu yidhi Mr Abokor.

Laba qof oo walaalo ah ayaa ka mid ah dadka ku dhintay shilkaas.

Shilka ayaa ka dhashay kadib markii baabuur waddada yaallay ay ku dhaceen laba baabuur oo socday, sida uu sheegay Agaasimaha Cusbitaalka Guud ee Hargeysa.

Shilalka gaadiidka ayaa sannad kasta galaafta nolosha dad badan, iyadoo ay socdaan dadaallo Wasaaradda Gaadiidku ku doonayso in lagu dhimo khasaaraha, waxana ka mid ah in la waajibiyo xidhashada suunka baabuurka.