Hargeysa-(Berberanews)-Fadhigii maanta ee Golaha Guurtida waxaa lagu war-geliyey mudanayaasha in qoraal istiqaalada uu soo gudbiyey mudane Muxumed Aw Axmed X.Aadan oo ka mid ahaa aas-aasayaashii Golaha Guurtida Qaranka, kana soo shaqeeyey halgankii xornimo doonka, dib u xorayntii dalka, nabadayntii beelaha Somaliland iyo dib -u-dhiskii qaranka Somaliland. Mudane Muxumed Aw Axmed oo ku sababeeyey istiqaaladda uu Golaha u soo gudbiyey in uu xanuunsanayo da’ahaana uu noqday nin weyn. “Sidaa darteeda uu Golaha u soo gudbiyey qoraalkaasi istiqaaladda ah si aan shaqada Qaranku u dayacmin Golaha Guurtiduna iga aqbalo istiqaaladdaas.”
Dhankooda Golaha Guurtida ayaa cod gacantaaga u qaaday istiqaaladdaasi kana aqbalay mudanahaasi in uu banneeyo xubinnimada Golaha Guurtida maanta oo ay taariikhdu tahay 14/05/ 2022.