Doorashooyinka soo socda iyo ka qaybgalka ururada siyaasadda ee cusub 2022

 Waxa la sugayaa in ay dalka jamhuuriyada Somaliland ka dhacaan sadex doorasho sanadkan 2022 gudihiisa , doorashooyinkaasi oo dhamaantood mudeysan xiligii ay ku haboonaayeen waxaana ay kala yihiin; 

1- Doorashada Golaha Guurtida Jamhuuriyada Somaliland, oo ah in ay dhacdo 31-May-2022 , sababta oo ah waxa uu mudo xileedka guurtidu dheer yahay ka wakiilada hal sano oo 6 sano , markaa hadii marwalba ay hal sano kala dambaynayso doorashadoodu waa in ay dhacdo mudadaasi aan kor ku soo sheegnay. 

Maxaa kalifaya ama ay muhiim ugu tahay qaranka jamhuuriyada Somaliland doorashada golaha guurtida jamhuuriyada Somaliland? Waa su’aasha mudan in jawaab ku filan loo helo , waxaana ay noqoneysaa; 

b) Golaha Guurtida Jamhuuriyada Somaliland waa golaha ugu sareeya dalka isla markaana qaranku aanu ka maarmin . 

t) Golahani waxa uu mudo xileedkiisii dastuuriga ahaa ee doorashooyinka dhaafay mudo 19 sanadood ah waxaana doorashadiisa ugu dambaysay 1997. 

j) Doorashada golaha guurtida jamhuuriyada Somaliland waxa ay dhameystireysaa geedi socodka doorashooyinka iyo hanaanka dimuqaradiyadeed ee dalka. 

2- Doorashada ururada siyaasada iyo axsaabta qaranka oo ah in la bilaabo diyaar garawgeeda bishan April 2022 , sidoo kale si rasmi ah loogu dhawaaqo furashada ururada cusub May 2022 oo noqonaysa 6 bilood ka hor xiliga doorashadooda la qabanayo sida uu qeexayo xeerka ururada siyaasada iyo axsaabta qaranka ee Xeer.Lr.14/2011 + Qaraarkii maxkamada dastuuriga ah. 

Doorashadani maxaa ay muhiim ugu tahay qaranka jamhuuriyada Somaliland? Sharci ma tahay ? Miyaa la isku diidan yahay? Wakhtigoodii miyey ka soo horumartay? Waa su’aalaha mudan in loo helo jawaabo ku filan waxaana ay yihiin sida tan ; 

b) Doorashada ururada siyaasada iyo axsaabta qaranku waa seeska doorashooyinka jamhuuriyada Somaliland sababta oo ah waxaa ku aas-aasma axsaabta siyaasada ee ay tahay in ay doorashooyinka ka qayb galaan iyo ururada siyaasada . 

t) Waa sharci oo waliba waa dastuuri waxaana ay salka ku haysaa qodobada dasturka dalka ee 22naad iyo 23naad , waxaana uu Xeer.Lr.14/2011 jideeyey in 10 kii sanadoodba mar dib loo furo si saaxada siyaasadu aanay kooto u noqon oo ay muwaadiniinta jamhuuriyada Somaliland u helaan xuquuqahooga dastuuriga ah. 

j) Maya la iskuma diidana waxaana sadexda xisbi qaran qirayaan in ay tahay sharci yihiin isla markaana ma jirto cid la odhan karo way ka soo horjeedaa oo si cad uga hor timid ilaa hadda . 

x) Maya wakhtigoodii kamay soo horumarin oo sidii Xeer.Lr.14/2011 qeexayey 10 kii sanadood waxa ay ku eeg yihiin 2022 , sidii aynu kor ku soo xusnayna diyaar garawgoodu in uu bisha April 2022 bilaabmo waa sharci. 

3- Doorashada Madaxweynaha ayaa ah doorashada sadexaad ee sanadkan 2022 in ay qabsoonto ay tahay oo mudeysan 13-Nov-2022 , halkani ayuu hadal ka taagan yahay waxa la isku hayaana maaha xiliga ay dhacayso ee waa doorashada madaxweynaha yaa ka qayb galaya weeyaan , waxaana ay noqoneysaa ; 

b) Mar hadii doorashadii deegaanka ee ururada siyaasada lagu furi lahaa la raaciyey doorashadii wakiilada ee dhacday 31-May-2021 oo la Isla gartay in xal wanaagsan tahay,  maantana waxa xal wanaagsan ah in ururada siyaasada iyo axsaabta qaranku kuwada tartamaan doorashada madaxtooyada. 

t) Ma sharci baa in ururada iyo axsaabtu ku tartamaan ? Sharcigu sidiisaba waa Ugub iyo Curad markaa in axsaabta siyaasada iyo ururada cusubi tartamaan waxa ay hore u soo dhacday laba goor oo mar uu ahaa markii koowaad oo ururo laga soo wada bilaabay 2002 , marna ahaa markii labaad oo 2012 xisbiyadii 10kii sanadood ee hore jiray iyo ururadii cusbaa ay ku tartameen. 

j) Faaiidada doorashada ururada siyaasada iyo axsaabtu wadagalayaan waa in ay ka soo baxaan ; 

▪︎ Sadexda xisbi qaran ee 10 ka sanadood ee soo socda dalka jamhuuriyada Somaliland yeelanayo. 

▪︎ Madaxweynaha qaranka hogaamin doona shanta sanadood ee soo socotaa uu ka soo baxo . 

▪︎ In doorashooyinka la mideeyo oo qaranka dhaqaalaha iyo wakhtiguba u beekhaamo, waxaana tusaale wanaagsan loo soo qaadan karaa doorashadadii wakiilada iyo deegaanka ee dhacday 31-05-2021. 

Mohamed Abdi Jama 

Mohamed Dhimbiil 

Mob: +252634429221 / 654241005/634241005.