Ciidanka Ilaalada Xeebaha Saaxil oo qabtay Harri-macad dad ajaanib ahi tahriibinayeen

Berbera-(Berberanews)-Ciidanka ilaalada xeebaha iyo Difaaca badaha Somaliland ayaa gacanta ku dhigay todoba xabo harimo-cad ah oo laga dhoofinayey xeebta Xarin oo bari kaga beegan masaafo dhan 54 netucual mile magaalo xeebeda Berbera.

Hawlgal iyo dabagal ay wadeen todobaadkii udanbeeyey ciidanku waxay soo qabteen sadex nin oo labo kamid ahi u dhasheen dalka Yemen, halka midna uu ahaa muwaadin reer Somaliland ah oo watay baaburka lagu dhoofinayey harimacadka iyo waliba doontii iyo baabuurkii siday.

Taliyaha salidhiga kowaad ee Gobolka Saaxil iyo saraakiil uu wato ayaa shalay Jimcihii gaadhay Deegaanka Karin ka dib markii ay gacan ku dhigeen ciidankii  daba socday Xayawaanka sida sharci darrada loo tahriibinayay oo ku sugnaa biyaha Deegaanka Karin.

Taliyaha guud ee Ciidanka ilaalada xeebaha jsl Admiral.Maxamed Xuseen Faarax Xiirane ayaa sheegay in sharciga lala tiigsan doono dadka lagu soo qabtay Harrimacadka la doonayey in Dalka laga saaro, dhanka kale waxaa uu balanqaaday inuu dalacsiin doono ciidanka hawl-galkaasi fuliyey .