Xogo dheeraada: Dagaal culus oo in ka badan 12 saacadood ka socda Dhuusamareeb

Dhuusamareeb-(Berberanews)-Xoogagga Ahlusunna Waljamaaca, ayaa duullaan ballaadhan ku qaaday magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamul-goboleedka Soomaaliya ee Galmudug subaxnimadii hore, isla markaana qabsaday inta badan xarumaha dawladda ee magaaladaas, waxana halkaas ka socda dagaal culus oo laysku habeensaday.
Dagaal xooggan ayaa gudaha magaalada Dhuusamareeb ku dhexmaraya xoogagga Ahlusunna iyo ciidammada dawladda Soomaaliya oo isugu jira booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad, kumaandowsta Gorgor iyo millateriga oo kaashanaya kuwa maamul-goboleedka Galmudug.
Dadka degaanka ah ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalka xooggiisa oo laysku gabbal dhacsaday uu weli ka socdo xarumaha dawladda maamul-goboleedka Galmudug sida xarunta Madaxtooyada, Inji, xero gadiid, cusbitaalka guud iyo saldhigga booliska ee magaalada Dhuusamareeb.
“Marba dhinac ayaa la riixayaa oo weli xabbaddu way socotaa, mana jirto cid ku adkaatay ilaa hadda dagaalka,” ayuu yidhi goobjooge la hadlay BBC-da galabta.
Ilaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka ka socda Dhuusamareeb.
Ilaa xalay waxa magaalada waxa ka jirtay cabsi dagaal, kadib markii la ogaaday in xoogagga Ahlusunna oo duullaan ah ay ka soo dhaqaaqeen fadhiisinkooda degaanka Bohol oo qiyaastii 30km woqooyi kaga beegan Dhuusamareeb.

Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb oo ku yaalla meel ka baxsan magaalada,  waxa ku sugan oo gacanta ku haya ciidammada Jabuuti ee qaybta ka ah Hawlgalka Nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS).
Dhammaadkii bishii October 2021, ayaa xooggaga Ahlusunna laga saaray degmada Guriceel oo ay muddo kooban haysteen, waxana dagaalkaas ka dhashay khasaare baahsan.