Taliska AFRICOM oo shaaciyay heshiisyo iskaashi oo dhexmaray Somaliland

Hargeysa-(Berberanews)-Taliska Ciidammada Maraykanka ee Qaaradda Afrika AFRICOM oo shaaciyey heshiisyo iskaashi oo dhexmaray Somaliland, kadib booqashadii weftigoodu ku tageen Hargeysa iyo Berbera shalay.

AFRICOM: “Kulamadii 12-ka May ee Hargeysa iyo Berbera, ayaa diiradda lagu saaray faa’iidada labada dhinac ee iskaashiga dhow ee Maraykanka iyo maamulka Somaliland. Hawlgalka weyn ee AFRICOM iyo millatariga Somaliland iyo Ilaalada Xeebaha waxay horumarin doonaan danaha wadaagga ah ee xasilloonida gobolka iyo ilaalinta waddooyinka muhiimka ah ee ganacsiga.”

“Waxaannu qadarinaynaa doorka Somaliland ee mandaqadda sida dimoqraadiyad adkaysi leh, xasilloon oo nabad ah. AFRICOM waxay aad u danaynaysaa inay sahamiso fursado dheeraad ah oo lagu sii xoojin karo wada-shaqaynta Somaliland ee ujeeddooyinka aannu wadaagno ee ka-hortagga argagixisada, budhcad-badeedda iyo tahriibinta.”


Berberanews.net
Info@berberanews.com