Suxufiyiinta bilaa xuduuda ah oo cambaareeyay xadhiga weriyaasha Somaliland

Somaliland-(Berberanews)-Ururka Suxufiyiinta Aan Xuduudka Lahayn (RSF) waxa ay cambaaraynaysaa eedaymo been abuur ah oo ay maxkamad ku taalla magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, ay 9-kii bishan May ku soo oogtay saddex suxufi oo tan iyo 13-kii April u xidhnaa warar la xidhiidha rabshado ka dhacay xabsiga.

Suxyfiyiinta xidhan ayaa kala ah Maxamed Cabdi Sheekh oo ka tirsan MM TV Cabdijabar Maxamed-Xuseen oo katirsan TV-ga HornCable TV iyo Cabdiraxmaan Cali Khaliif oo katirsanaa gobonnimo TV-ga, ayaa dhageysiga labaad ee kiiskooda loo muddeeyay May 14.

“Dacwooyinka lagu soo oogay saxafiyiintan waa kuwo been abuur ah,” ayuu yidhi Arnaud Froger, madaxa xafiiska RSF ee Afrika. “15 Suxufi ayaa soo tebiyay wixii ka dhacay xabsiga maalintaas. Maamulka laftiisa ayaa qiray dhacdooyinkaas. Ma jirto haba yaraatee wax sabab ah oo lagu xidhayo wariyeyaashan, kuwaas oo shaqadoodii uun soo qabtay. Waxaan ku baaqaynaa in si degdeg ah loo sii daayo.”

Somaliland ayaa wadar ahaan 15 saxafi ku xidhay xiisad ka dhacday Jeelka Hargeysa 13kii Abriil ka dib markii ay soo tebiyeen iska horimaad dhexmaray maxaabiista iyo ilaalada xabsiga weyn ee magaalada. Iyadoo intooda badan la sii daayey maalmo ka dib, haddana saddexdan wariye ayaa ilaa hadda u xidhan.

Berberanews.net