Nuxurka dalab Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya u gudbiyay Madaxweyne Biixi

Safiirka Shiinaha u jooga magaalada Muqdisho ee Soomaaliya Ambassador Qin Jian, ayaa gaadhay caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeisa doraad.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in Ambassador Qian Jin oo la kulmay Madaxweynaha Somaliland Muse Bihi uu ka codsaday in uu jaro xidhiidhka Taiwan iyo Somaliland, korna u soo qaado xidhiidhka Shiinaha.


Ma jiraan warar rasmi ah oo ka soo baxay socdaalka SAFIIRKA SHIINAHA iyo jawaabta uu Madaxweyne Biixi ka siiyey codsiga uu qaddimay ee ka dhanka ah xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan.
Socdaalka Amb Qin Jian, ayaa ku soo hagaagay waqti ay wefti heerkiisu aad u sarreeyo oo Maraykan ah safar ku tageen magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera ee Somaliland maanta.
Wefti uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidammada Maraykanka ee Qaaradda Afrika AFRICOM General Stepehen Townsend iyo madaxa saldhigga millateriga Maraykanku ku leeyihiin dalka Djibouti ee Camp Lemmonier General David Faehnle iyo diblomaasiyiinta sare oo Ameerikaan ah, ayaa kulan ballaadhan Madaarka Hargeysa kula yeeshay Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, iyagoo kulankaas kadibna booqday Madaarka Caalamiga ah ee Berbera oo la filayo in Maraykanku si degdeg ah uga samaysto saldhigyo waaweyn oo ciidan.