Madaxweynihii dalka Imaaraadka Carabta oo geeriyooday

ABU DHABI —(Berberanews)-Madaxweynihii dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta Sheekh Khalifa bin Zayed Al Nahyan, ayaa geeriyooday Jimcaha maanta, sida ay shaacisay wakaaladda wararka rasmiga ah ee dalkaas ee WAM galabta.

Sheekh Khalifa oo ahaa 73 jir, ayaa tan iyo sannadkii 2014kii u jiifay xannuunka faalliga.
“Wasaaradda Arrimaha Madaxtooyada waxay shacabka Imaaraadka Carabta iyo dunida Islaamka uga tacsiyeyneysaa geerida Sheikh Khalifa bin Zayed Al-Nahyan oo geeriyooday Jimce, 13-ka May,” ayaa lagu yidhi qoraal lagu baahiyey wakaaladda WAM.
Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan, ayaa sidoo kale ahaa Amiirka Imaaraadda Abu Dhabi oo ka mid ah toddobada Imaaradood ee dalkaasi ka kooban yahay.
Sida dastuurka Imaaraadka Carabtu dhigayo, Madaxweyne-ku-xigeenka iyo Ra’iisal-wasaaraha Sheikh Mohammed bin Rashid al-Maktoum oo xukuma Imaaradda Dubai, ayaa sii hayn doona xilka madaxweynaha muddo 30 maalmood gudahood ah oo ay ku kulmi doonaan Golaha Federaalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo ka kooban madaxda toddobada Imaaradood, kuwaas oo dooran doona madaxweyne cusub.
Khalifa waxa uu dhashay 1948-kii, wuxuuna xukunka Imaaradda Abu Dhabi iyo tan madaxweynaha dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta qabtay 2004.
Waxa xukunka Abu Dhabi kala wareegi doono ku-xigeenkiisa, ahna walaalkiisa ay isku aabbaha yihiin Sheikh Mohammed bin Zayed al-Nahyan.
Mohammed bin Zayed, ayaa  noqday hoggaamiyaha dadban ee Imaaraadka Carabta tan iyo markii uu madaxweyne Khalifa ku dhacay cudurka faaligga ama  jeex-qallalka sannadkii 2014.