Inaad dhimataan diyaar ma u tihiin? Jawaabtaydu waa maya!!

Inaad dhimataan diyaar ma u tihiin? In xabad laydinla dhaco diyaar ma u tihiin? Inlaydin xidho, diyaar ma u tihiin?

Dabadeed aan kursiga fuulo diyaar ma u tihiin?
Aniga jawaabtaydu waa maya.
Waxaan diyaar u ahay inaan codka ku siiyo, waxaan diyaar u ahay inaan sifo sharciya aad ku timaadid, waxaan diyaar u ahay in haddii laynagaga shubto, hayadaha distooriga ah u dacwoono, waxaan diyaar u ahay inaan mar, laba iyo sadexba dadkayga iyo dalkayga u tanaasulo.

Waxaan goobjoog ka ahaa shir weyn oo gudo iyo dibedba kulmiye layskaga yimid, lagagana tashanayay amma lagu falanqaynayay dhismaha xisbi ka madaxbannaan qabyaalad, wixii laga bartay doorashadii 20003 iyo sidii xisbiga looga dhisi lahaa gudo iyo dibedba.

Markii la gaadhay waqtigii Guddoomiyaha xisbiga Ahmed Maxamed Maxamuud su’aalo la waydiin lahaa, in badanna la waydiiyay ayaa nin aqoonyahan ah, nin weyn ah, ragga qurbo joogga ah, xisbiga hanti iyo shaqaba geliyay ah, Guddoomiyaha waydiiyay su’aal ahayd:-
Guddoomiye haddii doorashada sidii tii hore laynagaga shubto, maxaynu yeelaynaa?
Jawaabtii guddoomiyaha:- Waxaynu u dacwoonaynaa hayadaha distooriga ah ee ay khusayso sida sharcigu dhigayo.

Xisbiyahankii: Oo saw hayaduhu kuwii hore ( Komishanka iyo Maxkamadda Sare) ee ina dhacay maaha?

Guddoomiyaha: Haaye Axmedow sharcigaa sidaa dhigaya. Haddii kagu qanciwaayo najiitada doorashada in loo dacwoodo hayadaha sharciga ey khusayso.

Xisbiyeenkii: Hadday hayadahu sidii hore yeelaan, maxaa inoo qorshe ah.

Guddoomiyaha: Axmedow waxaynu culayska saaraynaa sidii aan laynoo dhaceen, waxeena u ilaashan lahayn, cod aan laba dhici karin haddaynu keeno bal ka warran?
Waxaynu keenaynaa qorshaheenuna yahay UDUB inaynu kaga badino, cod aan la dhici karin.
Hore ayaan u diiday doorashadii dhawayd inaan diido natiitadii kama danbaysta ahayd, inaan akhriyo qudbaddii madaxweynaha, inaan xukuumad ku dhawaaqo, inaan idhaa madaxweynaan ahay.
Weligay anigu Siilaanyo ahaan dalka iyo dadka fawdo gelin maayo, laba madaxweynana u samayn maayo, intuu si kulul u yidhi ayuu baxay.
Waxaan u ahaa goobjoog, shirkaa oo madax badan oo xisbiga, gudo iyo dibadba ka yimid ay goobjoog ahaayeen.

Cabdirisaaq Alpha, Hargeysa, Somaliland