Dagaal culus oo ka socda xarunta maamul-goboleedka Galmudug ee Dhuusamareeb

Dhuusamareeb -(Berberanews)-Dagaal aad u culus oo u dhexeeya ciidammada maamul-goboleedka Soomaaliya ee Galmudug iyo xoogagga Ahlusuna Wajamaaca, ayaa tan iyo hiirtii waaberi ee ka socda gudaha iyo hareeraha magaalada Dhuusamareeb.
Dagaalka oo ilaa hadda la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan, ayaa sababay khasaare baahsan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac fara badan, inkastoo aan weli la hayn tirokoob sax ah.
Dadka ku dhintay dagaalka waxa ku jira ku dhowaad tobaneeyo qof shacab ah oo qaarkood ku geeriyoodeen madaafiic guryahooda ku dhacay iyo kuwa ay haleeshay rasaasta dhinacyada dagaalku u dhexeeyo isweydaarsanayeen.
Ciidammada maamulka Galmudug ayaa la sheegay inay dib uga saareen meelo ka mid ah goobo fara badan oo xoogagga Ahlusuna ka qabsadeen xaafadaha magaalada Dhuusamareeb subaxnimadii hore ee saaka.
Wasiirka Warfaafinta Galmudug, Axmed Shire Falagle, ayaa warbaahinta u sheegay in Ahlusunna iyo dagaalyanno ka tirsan kooxda Al-shabaab oo wada socda duullaan ku soo qaadeen magaalada Dhuusamareeb oo ah xarunta maamul-goboleedka Galmudug, isla markaana ciidankoodu iska difaaceen.
Mr Falagle waxa uu ku eedeeyey kooxda Ahlsunna inay markasta oo isbeddello siyaasadeed ka dhacayaan dalka Soomaaliya ay dagaal ka ridaan Galmudug.
Ma jiraan xogo rasmi ah oo xaqiijinaya khasaaraha dhabta ah iyo xaaladda magaalada Dhuusamareeb, madaama ilaa hadda dagaalku socdo.