Dad rayid ah oo ku dhintay duqayn Israel ka fulisay Suuriya

Syria-(Berberanews)-Gantaalaha Israa’iil ayaa la beegsaday badhtamaha dalka Suuriya, waxaana ku dhintay shan qof oo uu ku jiro qof rayid ah, waxaanay dab ku shideen dhul beereed ku yaalla deegaankaas, sida ay ku warrantay warbaahinta dawladda Suuriya.

Gantaalkan ayaa lagu garaacay magaalada Masyaf ee ku taal baadiyaha Xama, wakaalada wararka ee SANA ayaa sheegtay Jimcihii shalay, iyadoo intaa ku dartay in dhowr gantaal ay soo rideen difaaca cirka ee Suuriya.

Sarkaal ka tirsan militariga Suuriya oo magaciisa qariyay ayaa wakaaladda wararka ee dalkaasi ka soo xigatay in uu sheegay in shan qof ay ku dhinteen oo uu ku jiro qof rayid ah, halka 7 kalana ay ku dhaawacmeen.

“Cadowga Israa’iil waxay qaadeen weerarro cirka ah oo ay ku garaaceen gantaallo… iyagoo badhtilmaameedsaday meelo ka mid ah gobollada dhexe,” ayay tidhi SANA.

“Dagaalkan ayaa sababay dhimashada shan shahiid.” Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay militariga Israa’iil oo ku saabsan weerarka.

Israa’iil ayaa boqolaal duqeymo xagga cirka ah ku qaaday badhtilmaameedyo ku yaalla Suuriya sannadihii la soo dhaafay balse marar dhif ah ayay qiratay ama ka hadlin howlgalladaas.

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in ay badhtilmaameedsadaan saldhigyada maleeshiyaadka xulafada la ah Iran ee ku sugan dalka Suuriya, sida kooxda Xisbullah ee hubeysan ee Lubnaan oo dagaalyahanno ka tirsan dowladda Suuriya ay ka barbar dagaallameen ciidamada dowladda Bashaar Al-Asad ee Suuriya, iyo sidoo kale shixnado hub ah oo la rumeysan yahay in loo gudbiyo maleeshiyaadkaas.