27 qof oo ku dhintay dab ka kacay New Delhi

India-(Berberanews)-Ugu yaraan 27 qof ayaa ku dhintay tobanaan kalena waa ay ku dhaawacmeen dab xooggan oo ka kacay dhismo ku yaalla caasimadda Hindiya ee New Delhi, sida ay sheegeen hay’adaha gargaarka degdegga ah.

Dabka weyn ayaa ka kacay dhismo ganacsi oo afar dabaq ka kooban oo ku yaalla galbeedka New Delhi, gelinkii dambe ee shalay, balse ilaa hadda ma cadda sababta keentay.

“Tirada guud ee dhimashada waa 27. Hawlgalka baadigoobka ayaa socda,” sarkaal ka tirsan waaxda dab-damiska ayaa sheegay Jimcihii maanta.

Sunil Choudhary, oo ah ku xigeenka madaxa dab damiska ee waaxda dab damiska ee Delhi, ayaa sheegay in dadku ay ka boodeen dhismaha gubanaya si ay naftooda u badbaadiyaan. “In ka badan 25 qof ayaa dhaawacmay, oo ay ku jiraan kuwa ka booday dhismaha,” Choudhary ayaa sidaas yidhi.

Ku dhawaad ​​60 ilaa 70 qof ayaa la soo badbaadiyay, sida ay sheegtay warbaahinta maxalliga ah oo soo xiganaysa booliiska, in ka badan 40 kalena waxaa soo gaadhay gubasho waxaana lagu daweynayaa isbitaal.

Dabaqa saddexaad ee dhismaha ayaan weli la baashin, waxaana la filayaa in meydad kale laga soo saaro.